Guddiga Qabashada Doorashada Aqalka Sare ee Puntland oo la magacaabay

HomeWararka

Guddiga Qabashada Doorashada Aqalka Sare ee Puntland oo la magacaabay

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad goboleedka Puntland ayaa magacaabay Guddiga Qabashada Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliy

Maamulka KG oo sheegay inuu dilay dagaalamayaal katirsan Al-shabaab
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland oo Shaqadiisi Dib loogu Celiyeey (Akhri)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad goboleedka Puntland ayaa magacaabay Guddiga Qabashada Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ee Puntland.

Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle halka uu guddoomiye ku xigeen u yahay Sharma’arke Cali Cilmi.

Musharaxiinta Aqalka Sare ee Puntland oo xalay uu magacaabay Madaxweynaha Puntland ayaa waxa ay ka kooban yihiin illaa 22 musharax oo ku tartamaya illaa 11 musharax.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka Puntland, Cabdirashid Yuusuf Jibriil ayaa ku dhawaaqay in 11/08/2021, kuna beegan maalinta Arbaca ay dhaceyso doorashada Xildhibaannada Aqalka sare qeybta ka imaaneysa Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: