Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Hay’adaha Amniga

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Hay’adaha Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay laamaha ayaa faray xoojinta amniga guud ee waddanka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay saraakiisha in ay xil gaar ah iska saaraan sugidda amniga doorashooyinka dalka ka bilowday.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa adkeeyey balan-qaadka Xukuumadda ee ku aaddanaa hoggaaminta geeddi socodka doorasho daah-furan oo deg deg ah, laguna kalsoonaan karo, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in meel looga soo wada jeesto ilaalinta danta guud, gaar ahaan amniga xiligan dalka ay ka soconayaan doorashooyinka.

Hay’adaha amniga ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey howlaha sugidda amniga iyo u diyaar garow gooda ku aadan sidii looga hortagi lahaa dhagarta cadowga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com