Guddiga  hirgalinta doorashooyinka Heer Federaal oo Maamulada Goboleedyada ka dalbaday bilaabida doorashada Golaha Shacabka

HomeWararka

Guddiga hirgalinta doorashooyinka Heer Federaal oo Maamulada Goboleedyada ka dalbaday bilaabida doorashada Golaha Shacabka

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa war saxaafadeed ay soo saareen bogaadiyay bilaabashada Doorashada Gollaha Shacabka oo shalay la d

81 ruux lagu dilay rabshadaha Itoobiya iyo Ciidamo Milateri la geeyay magaalooyinka
Musharrax Madaxweyne Cali Xaaji Warsame oo sii diirran lagu soodhaweyeey Burtinle (Daawo)
Caawa & Daljir iyo Xuseen Madar , Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa war saxaafadeed ay soo saareen bogaadiyay bilaabashada Doorashada Gollaha Shacabka oo shalay la doortay labadii (2) xildhibaan ee ugu horeeyey ee Gollaaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer fedaraal waxa ay u mahad celiyeen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo dadaal xoogan galiyay qabsoomida Doorashada Gollaha Shacabka.

Waxa kale oo ay u mahad celiyeen guddiga maamulka doorashada kuraasta Somaliland (SEIT).

Sidoo kale Guddigu waxay ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya iyo guddiga maamulaya kuraasta banaadiriga in ay bilaabaan Doorashada Gollaha Shacabka, si looga gudbo marxalada kala guurka ah ee wadanku jiro.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: