Maalinta Caalamiga ah ee soo Afjaridda Tacadiyada loo Geysto Suxufiyiinta oo maanta laga xusayo Soomaaliya

HomeWararka

Maalinta Caalamiga ah ee soo Afjaridda Tacadiyada loo Geysto Suxufiyiinta oo maanta laga xusayo Soomaaliya

Waxaa maanta oo ku beegan 2da November laga xusayaa dalka Soomaaliya maalinta caalamiga ah ee soo afjarida tacadiyada loo geysto suxufiyiinta. Muna

Ciidamadda Dalka Nigeriae ee kajoga Somaaliya oo la abaalmariyeey
WARBIXIN: Amniga Gobalka Bari oo laga shiray & go’aamo ka soo baxay
Laascaanood & Shacabka oo guryahooda dib ugu laabtay

Waxaa maanta oo ku beegan 2da November laga xusayaa dalka Soomaaliya maalinta caalamiga ah ee soo afjarida tacadiyada loo geysto suxufiyiinta.

Munaasabado ku saabsan maalintan ayaa la qorsheynayaa in maanta ay ururada saxafiyiinta dalka Soomaaliya ku qabtaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ay 2-da November u aqoonsadeen Maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda tacadiyada loo geysto suxufiyiinta oo maalinaasi.

Iyadoo la raacayo go’aanka Golaha ee tirsugiisu yahay A/RES/68/163 , soona baxay 2-dii November 2013-kii ,waxa uu dhigayey in dalka Soomaaliya iyo dunida kalaba ay isu taagaan ka hortagga tacadiyada ku dhaca suxuufiyiinta iyo dhaqanka la xiriira la xisaabtan la’aanta dadka ka dambeeya falalkaasi.

Warbixin la soo saaray toddobaadkan ayaa lagu sheegay in dalka Soomaaliya uu kaalinta ugu horeysa kaga jaro wadamada caalamka la xisaabtan la’aanta saxafiyiinta la dilo iyagoo howlahooda shaqo ku jira.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: