Guddiga Farsamadda Maamul dhisida Galmudug oo dhuusamareeb gaaray (Sawiro)

HomeWararka

Guddiga Farsamadda Maamul dhisida Galmudug oo dhuusamareeb gaaray (Sawiro)

Guddiga Farsamada ee Maamul dhisida Galmudug oo ay dhowaan magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamar

Tuulada GABOGABO ee Degmada Tuli Guuleed oo Liyuu Boolisku Bandow saaray
RW Rooble oo la kulmay Danjiraha Qatar Xamza
HADDII JANAN LALA HESHIIYEY GEDO MAXAA U QORSHE AH? Qaybtii 2aad ee Waraysi Guddoomiyaha Gobalka Gedo

Guddiga Farsamada ee Maamul dhisida Galmudug oo ay dhowaan magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Guddigan oo ka kooban 13 xubnood ayaa diyaarad qaas ah looga qaaday Muqdisho, iyadoo xilligii ay ka dagayeen garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in xubnaha Guddigan ay kulamo la yeelan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo odayaasha dhaqanka, waxaana wixii hadda ka dambeeya ay guda geli doonaan howsha la xiriira soo xulida liiska Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Ahlusuna wal-jameeca oo qeyb ka ah Maamulka Galmudug ayaa horay u qaadacay Guddigan, iyagoo sheegay in aanay aqoonsaneyn.

Shalay ayay aheyd markii Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir uu magacaabay Guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka Galmudug, waxaana tallaabadan loo arkay mid dhalisay khilaaf hor leh oo ka taagan dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: