Xildhibaanada Aqalka sare Soomaaliya oo Muqdisho Kulan Muhiim ah ku yeeshay

Xildhibaanada Aqalka sare Soomaaliya oo Muqdisho Kulan Muhiim ah ku yeeshay

Golaha Aqalka Sare BFS ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 2aad, iyadoo Ajandaha kulanka Maanta uu ahaa:

Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka iyo Ansixinta Xubin Cusub oo kamid noqaneeysa Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Kulanka waxaa shir Gudoomiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi.Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Wasiirka Maaliyada XFS Mudane Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa Golaha ka hor akhriyay Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka. Wasiirka ayaa marka hore si faahfaahsan uga hadlay halka ay marayso hanaanka deyn cafinta Dalka Soomaaliya asigoo sheegay deynta Dalka lagu leeyahay in ay gaarayso 5 billion oo doolarka, deymahaas oo laqaatay inta u dhaxeysa 1965-1988.

Gudoomiye Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa kuwareejiyay Hindise Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Dalka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibkooda uga aadan.

Ugu danbeeyn Guddoomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa dib udhigay Ajendaha 2 aad ee Kulanka , asagoo soo xiray kulanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com