Guddiga Doorashooyinka Kenya oo ka Hadlay Wakhtiga Doorashadda

HomeWararka

Guddiga Doorashooyinka Kenya oo ka Hadlay Wakhtiga Doorashadda

Guddiga Doorashada ee dalka Kenya ayaa waxay shaaca ka qaadeen in doorashada loo balansan yahay in ay dalka ka dhacdo 26 bishan ay sii socon doonto,iy

Mareykanka oo sheegay in duqayn cirka ah ay ku dileen 24 katirsan Argagixisada Al-shabaab
Sanduuqa Madow ee diyaaradii ku burburtay Ethiopia oo la helay
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)

Guddiga Doorashada ee dalka Kenya ayaa waxay shaaca ka qaadeen in doorashada loo balansan yahay in ay dalka ka dhacdo 26 bishan ay sii socon doonto,iyada oo ay jirto in Raila Odinga uu tartanka isaga baxay.

Guddiga ayaa waxa ay sheegeen in dhamaan 8 musharax ee ka qayb galay doorashadii August ee ay laashay maxkamadda ugu sareysa dalka loo ogolaanayo in ay ka qayb galaan doorashada ku celiska ah .

Ku dhawaaqida arrintan ayaa waxa ay soo afjaraysaa 24 saac oo jahwareer uu ka dhashay ka laabashadii uu hogaamiyaha mucaaradka NASA Raila Odinga uu ka laabtay ka qayb galka tartanka doorashada ku celiska ah.

Guddiga doorashada ayaa waxay sheegeen in Raila Odinga uu u soo qoray warqada uu ku caddeynayo in uu tartanka doorashada ku celiska isaga baxay balse aysan taasi ahayn mid ku filan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: