Sanduuqa Madow ee diyaaradii ku burburtay Ethiopia oo la helay

Sanduuqa Madow ee diyaaradii ku burburtay Ethiopia oo la helay

Baarayaasha burburka diyaaradii Ethiopian Airlines ee ku burburtay duleedka magaalada Addis Ababa Maalin kahor ayaa helay sanduuqa madow ee duuba codadka ugu dambeeya ee diyaaradaha.

Diyaaradan oo ku sii jeeday magaalada Nairobi ayaa burburtay lix daqiiqo kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa iyadoo ay ku dhinteen dhamaan dadkii saarnaa oo gaarayay 157 ruux.

Diyaaradaha noocoodu yahay 737 ayaa dalal badan ay joojiyee duulimaadyadooda waxana diyaaradan ay shaqeynayaan dhowr bilood oo kaliya.

Illaa iyo hadda lama oga sababta keentay burburka diyaaradan hase yeeshee duuliyihii diyaarada ayaa sheegay inay cillad soo wajahday loona oggolaado inuu diyaarada soo dejiyo.

“Ma sheegi karno sabab rasmi ah oo keentay burburka diyaarada waa inaan sugnaa natiijada ka soo baxda baaritaanka.”ayuu yiri Tewolde Gebremariam oo ah madaxa shirkada Ethiopian Airlines.

Duuliyihii waday diyaarada Capt Yared Yared Getachew ayaa ahaa duulinayay diyaaradaha muddo ka badan toban sano waxana uu hawada ku jirey illaa iyo siddeed kun oo saacadood.

Shirkadda soo saarta diyaaradaha Boeing ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay shilkan waxana ay u soo dirtey qubaro dalka Ethiopia.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com