HomeUncategorized

Guddi ka socda dowladda federaalka oo baaraya sababta ka dambaysay dagaalkii Nambar 50 (Dhegeyso)

Afgooye, November 20, 2013 - Gollaha wasiirada ee Soomaaliya kulan gaar ah oo ay xalay ku yeesheen Muqdisho ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay arrimaha gobollada shabeelaha dhexe iyo shabeelaha hoose.

Sawirro-Madaxweynaha Puntland oo daahfuray kaydka shidaalka garoonka diyaaradaha Boosaaso.
Dowladda Puntland oo Hormarinaysa Ciyaaraha gobolka Sanaag
Wiil uu dhalay hogaamiyihii Alqaacida Osama Bin Laden oo fariin u diray reer galbeedka.

Afgooye, November 20, 2013 – Gollaha wasiirada ee Soomaaliya kulan gaar ah oo ay xalay ku yeesheen Muqdisho ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay arrimaha gobollada shabeelaha dhexe iyo shabeelaha hoose iyo qaraxii khasaaraha badan dhaliyey ee ka dhacay Beledweyne shalay.

Ra?isal wasaare Cabdi faarax shirdoon oo gudoominayey kulanka gollaha wasiirada Soomaaliya, waxaa uu ayaa ku tilmaamay dhibaato xoogan oo soo food saartay shacabka Soomaaliyeed in xilligan lagu kor dagaalamo.

Mudane Saacid ayaa shirka intii uu socday ku magcaabay labba guddi oo wasiiro ah kuwaas oo loo diray gobollada kala duwan ee aadka looga hadlay, waxaa ka mid ahaa guddi u kuur gelaya qaraxii Beledweyne, iyo kuwa kale oo iyana qiimayn ku samaynaya xaalada shabeelaha dhexe iyo dagaalka Nambar 50 oo ka tirsan shabeelaha hoose.

Gollaha ayaa isku raacay baaritaan in lagu sameeyo waxyaabaha sababay dagaalkii Nambar 50. Ee shabeelaha hoose, guddiga loo xil saaray baaritaanka arrintii shabeelaha hoose waxaa ku jira xilibaano ka tirsan federaalka, waxaana haatanba guddigu gaaray deegaanka dagaalka ka dhacay horaantii toddobaadka.

Xilibaanada ku jira guddiga waxaa ka mid ah mudane Cabdalla xuseen Cali ?oo daljir la hadlay, waxaa uu sheegay in ay baaris qoto-dheer samayn doonaan isla markaasna u kuur gelayaan xaalada guud, guddiga ayaa diirada saaraya sababta dagaalka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso: Adna Aways oo daljir ka tirsan ayaa waraysatay Xilibaan Cabdalla xuseen Cali

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: