HomeUncategorized

Dadkii dufaantu ku haleeshay deeganada ku dhow Bender-bayla oo ka cabannaya wax la?aan (Dhegeyso)

Bender-bayla, November 20, 2013 - Dadkii masiibadu ku haleeshay deeganada ku dhow degmada Bender-Bayla ee gobolka Karkaaar, waxaa ka soo yeeraysa cabasho xoog leh oo la xiriirta baahida adeegyada asaasiga.

AMISOM oo Duqaysay Degmooyin ka tirsan gobolka Baay
Dhagayso Sabti, 19, March, 2016 Barnaamijkii Caawa iyo Daljir wariye C/naasir Maxamed Cali
Baahin: Axad, Dec 25, Jaamac C/raxmaan ~ Daljir ~ Galkacyo. Jaamac Nuur Shire, sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka miina-baarista Puntland oo ku geeriyooday qarax miino xilli uu ku hawlanaa miina-baaris; Afhayeen Shariif Xasan oo Garowe kula kulmay waxgarada Digil & Mirifle ee ku nool Puntland; Qaar ka mid ah mudanayasha baarlamaanka federaalka oo sheegay in ay dooran doonaan guddoon cusub.

Bender-bayla, November 20, 2013 – Dadkii masiibadu ku haleeshay deeganada ku dhow degmada Bender-Bayla ee gobolka Karkaaar, waxaa ka soo yeeraysa cabasho xoog leh oo la xiriirta baahida adeegyada asaasiga ah iyo nolosha qoyska, sida ay sheegeen maamulka degmada.

Maamulka degmada Bender-bayla waxay sheegeen in aan gurmad ku filan soo gaarin dadka deegaanka, isla markaasna ay jirto xaalad nololleed oo haysata dadka masiibadu ku dhufatay ee deeganada miyiga iyo tuulooyinka.

Xoghayaha dowladda hoose ee Bender-bayla Abshir Shire Amaan oo la hadlay Daljir ayaa xusay in duufaantu si ba?an wax u yeeshay qalabkii kalluumaysatada, dhismayaal iyo weliba xaruumihii caafimaadka ee degmada iyo tuulooyinka.

?meelaha caafimaadka oo kale dadku baahi wayn bay u qabaan, roobabku waxay reebeen xannuuno hadda ma jirto meel loola cararo dadka.? Ayuu yiri Abshir Shire oo la hadlayey Daljir.

Waxaa uu ka codsaday dowladda Puntland, urrurada gurmadka iyo beesha caalamka in ay il-gaar ah ku eegaan xaalada degmada Bender-bayla iyo deeganada ku dhow dhow, baahiyaha jira ayuu ku tilmaamay kuwo badan oo u baahan wax ka qabasho.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso: Adna Aways oo daljir ka tirsan ayaa waraysatay Xoghaye Abshir shire oo Bayla jooga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: