HomeUncategorized

Puntland oo maclumaad laga qoray Al-shabaab ka heshay rag u xiran oo u dhashay Britian iyo France

Garoowe, November 20, 2013 - Magaalada Garoowe waxaa weli ku xiran labba nin oo ku eedaysan in ay yihiin jawaasiis iyo in ay si qarsoodi ah u gurranayeen qayraadka dalka, ciidamada amaanka ee Puntland.

DHAGAYSO:Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Arbaco_16
?Tartanka ciyaaraha gobollada Puntland oo bilaaban doonaan 1-da December.
DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida _Sabti_17

Garoowe, November 20, 2013 – Magaalada Garoowe waxaa weli ku xiran labba nin oo ku eedaysan in ay yihiin jawaasiis iyo in ay si qarsoodi ah u gurranayeen qayraadka dalka, ciidamada amaanka ee Puntland ayaa toddobaadkan xiray labba nin oo u kala dhashay France iyo Britain.

Baaritaanka warar la xiriira oo soo baxay ayaa sheegay in laga helay ragga la qabtay xog muujinaysa in ay wax ka qoreen in weeraro ay Al-shabaab ka fulinayso Boosaaso iyo Garoowe, weerarada ayaa lagu tilmaamay kuwa amniga lagu carqaladaynayo.

Ragga ayaa war-bixinta qoray 14 agoosto ee ina dhaaftay, isla markaasna kooxda Al-shabaab ayaa weerar ka fulisay saldhiga Boosaaso horaantii bishaan aynu ku jirno ee November, macluumaadka ay qoreen ragga xiran ayaa waxaa uu yahay mid Sirdoon.

Wasaaradda amaanka ee Puntland waxay sheegtay ragga la qabtay in ay yihiin basaasiin arruurinayey macluumaad ka dhan ah Puntland iyo ciidamada amaanka, labbada nin ayaa la shaqaynayey shirkad la yiraadho Oversight International oo gaar loo leeyahay, sidaas waxaa sheegtay wasaaradda arrimaha dibeda France.

Puntland weli waxay baaris qoto-dheer ku wadaa ragga xiran, in kastoo aan weli la shaacin balse warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in lagu qabtay labbada nin dhagxaan iyo qayraad kale oo ay wateen, sidoo kale waxaa laga helay macluumaad badan oo ay qoreen.

France ayaa sheegtay in ninka ku xiran Garoowe ee ka soo jeeda dalkooda uu la shaqaynayey hay?ad gaar loo leeyahay isla markaasna uusan ahayn basaas, wasaaradda arrima dibeda ee xukuumada Paris ayaa sheegtay in Britian ay la kaashanayso wada xaajood lagu sii daynayo raggaas.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: