Golaha Wasiiradda Jubbaland oo la ansixiyeey

HomeWararka

Golaha Wasiiradda Jubbaland oo la ansixiyeey

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta Kulan ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland, kaas oo uu s

Gaalkacyo oo maanta laga oogay Salaada Ciidul Fidriga
Dhalinyarada kacdoonka hormarinta ka bilowday Garoowe oo qoys danyar gaarsiiyay deeq (dhegays)
Xildhibaanada Barlamaanka Somaaliya oo si kulul uga hadlay dilaal kadhacay Muqdisho (Sawiro)

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta Kulan ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland, kaas oo uu shir guddoomiyay gudoominayay Baarlamaanka Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, waxaana lagu ansixiyay Golaha wasiirada Cusub ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxaemd Islaam.

Kulanka ayaaa soo xaadiray 51 mudane oo Baarlamaanka Jubbaland ka tirsan, waxaana ansixiyay Xukuumadda Cusub 50 xildhibaan wax diiday majirin waxaana Ka aamusay 1 xilibaan oo kaliya sidaasna waxaa ugu dhawaaqay in xukuumadda Cusub ansax tahay Gudoomiyaha Golaha wakiiladda Jubbaland Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Gudoomiyaha gudigga hab-dhowrka Baarlamaanka Jubbaland Xildhibaan Shukri Wayrax Kaariye ayaa sheegay in ajandaha Kulanka kaliya uu ahaa ansixinta Xukuumadda Cusub sidaasna lagu ansixiyay, isaga oo u mahad celiyay Xildhibaannada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: