Xildhibaanada Barlamaanka Somaaliya oo si kulul uga hadlay dilaal kadhacay Muqdisho (Sawiro)

HomeWararka

Xildhibaanada Barlamaanka Somaaliya oo si kulul uga hadlay dilaal kadhacay Muqdisho (Sawiro)

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulanka 5-aad ee Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka.

XULASHADA DALJIR | DEEQO LADAN BASHIIR
Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo Afhayeen Cusub Loo Magacaabay
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Buuhoodle (dhegayso)

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulanka 5-aad ee Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka.

Kulanka waxaa Shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,waxaana goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey).

ku dhawaad 144 Xildhibaan ayaa kulanka soo xaadiray, waxaana xildhibaanada loo qeybiyay warbixin ku saabsaneyd dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo ah Xoghayaha guddiga xeer hoosaadka, anshaxa, Xasaanada iyo daryeelka xildhibaanada ayaa Xildhibaanada u aqriyay warbixinta dib u eegista xeer hoosaadka golaha iyo meelaha guddiga ay dib u eegista ku sameeyeen.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo khudbado ka jeediyay Kulankii maanta ayaa waxa ay ka hadleen dilalkii ugu dambeeyay ee dhacay Magaalada Muqdisho,gaar ahaan dhacdadii lagu dilay Aamino Xuseen Xasan oo dhiganeysay Jaamacadda Soomaaliya iyo Ninkii la dilay kadibna la gubay.


Diwaanka Wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: