Ganacsatada Qaadka kenya oo markale dowladooda ka codsaday dib u furida suuqdayada Soomaaliya

HomeWararka

Ganacsatada Qaadka kenya oo markale dowladooda ka codsaday dib u furida suuqdayada Soomaaliya

Ganacsatada Khaadka Miraa ee ka soo jeeda Gobolka Meru ee dalka Kenya ayaa waxaa ka codsadeen Golaha Wasiirada dalkaas in Wasaaradaha dowladda oo ay q

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Daah-furay Habka Online-ka ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga (Daawo)
RW Kheyre oo la Wareegey Hoggaanka Shirkii Madasha Amniga Qaranka
Maamulka gobalka Mudug oo ka hadlay dil ka dhacay bariga gobalka Mudug (dhegayso)

Ganacsatada Khaadka Miraa ee ka soo jeeda Gobolka Meru ee dalka Kenya ayaa waxaa ka codsadeen Golaha Wasiirada dalkaas in Wasaaradaha dowladda oo ay quseyso ay ka Shaqeeyaan dib u soo celinta suuqoodii Soomaaliya.

Ganacsatada ayaa sheegay in beeraleydu aysan hal suuq oo muhiim ah ku lahayn dalagyada ka baxa Kenya

“Markii Soomaaliya ay dib u furtay xuduudaheeda safarka caalamiga ah, dowladda ayaa ogolaatay soo gelitaanka dalagyo kale iyadoo laga reebay miraha,” ayaa lagu yiri codsiga.

Codsiga waxaa soo bandhigay xildhibaanka laga soo doorto koonfurta Igembe John Mwirigi isagoo matalaya ururka ganacsatada Nyambene Miraa bishii July 8.

Ganacsatadu waxay sheegeen in Wasaaradda Beeraha, sida ku cad Qeybta 8aad ee Xeerka Dalagga, ay mas’uul ka tahay inay suuq ka hesho dalagga.

“Kooxda Farsamada ee Hirgelinta Taskforce waxay cadeeyeen suuqyada mustaqbalka sida Jabuuti, Mozambique, Yemen, Israel, iyo DRC laakiin arinta lama daba galin,” ayay yiraahdeen ganacsatada.

Ganacsatada ayaa doonaya in mudanayaasha ay kala hadlaan qaababka loo xalin karo mashaakilkooda mas’uuliyiinta wasaaradaha beeraha, ganacsiga iyo warshadaha, gaadiidka, arimaha gudaha iyo arimaha dibada.

Ganacsatadu waxay sheegeen in markii la shaaciyay Cudurka ‘Covid-19’ inuu yahay masiibo iyo xiritaanka xuduudaha caalamiga ah, ay miraa lumisay suuqii gobolka, gaar ahaan Soomaaliya.

“Maxali ahaan, tiro ka mid ah maamullada gobollada sida Tana River, Mombasa, Lamu iyo Kilifi ayaa ku soo rogay canshuuro xad dhaaf ah dalagyada si ay uga sii gudbaan maamulladooda ama loogu iibiyo suuqyadooda,” ayay yiraahdeen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: