Ra’iisul Wasaare Khayre oo Daah-furay Habka Online-ka ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga (Daawo)

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Daah-furay Habka Online-ka ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga (Daawo)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay Habka Online-ka ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga oo ay diyaarisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha.

Habka Onlie-ka ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga oo qayb ka ah fududaynta ama sahlidda ganacsiga ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre sheegay in ay ka dhalayso in dhaqaaluhu kobco iyo in abuurmaan shaqooyin badan oo lagu yareeyo shaqo la’aanta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in hadafka ugu wayn ee dawladda uu yahay in shacabka Soomaaliyeed iyo duniduba ay aaminaan, aaminaaduna ay ku xirantahay in dawladdu ay iyadu kasoo baxdo dawrkeeda.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Habka Online-ka ee Diiwaan-gelinta Ganacsiga ee hadda lagu guulaystay hir-gelintiisa uu ganacsatada Soomaaliyeed siinayo fursad wanaagsan, isaga oo intaa raaciyay in dawladda ay ka go’antahay in ganacsatada ay ku garab istaagto horumarinta ganacsigooda si dawladduna ay uga hesho casnshuur.

Wasaaradaha kale ee xukuumadda ayuu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre ku dhiirri geliyay in ay dardar-geliyaan fulinta qorsha howleedyada u yaalla si looga mira dhaliyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com