RW Kheyre oo la Wareegey Hoggaanka Shirkii Madasha Amniga Qaranka

RW Kheyre oo la Wareegey Hoggaanka Shirkii Madasha Amniga Qaranka

Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la wareegay shir guddoonka shirka Golaha Amniga Qaranka oo wali ka socda magaalada Muqdisho.

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Soomaliya oo ahaa Shir Gudoomiyaha Shirka ayaa la sheegay inuu ka cudur daartay shir guddoominka shirka maalintii shalay dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo xalay uu kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxda ka qeyb galeysa shirka. Shirkan oo arbacadii la soo dhaafay uu furay Madaxweyne Farmaajo ayaa ku qorsheysnaa inuu socdo labo maalmood, hase ahaatee uu maalmo dheeraad ah sii qaatay, kaddib markii qodobada qaar ee laga doodayo la isku mari waayay.

Shirka oo Axadii shalay dib la isugu soo laabtay, kaddib maalintii jimcaha oo fasax la galay iyo Sabtidii oo soo gashay furitaankii kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka ayaa waxaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta illaa berri la soo gaba gabeeyo.

Dhanka kale Deeq bixiyeyaasha caalamka oo balan qaaday inay bixinayaan qarashaadka ku baxaya dhismaha ciidamada gaaraya illaa 18 kun ayaa ah qodobka ugu muhiimsan ee la isku haayo cida maamuleysa. Golaha Amniga Qaranka oo ay ku mideysan yihiin Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada, ayaa ku socda wadadii Madashii Hoggaanka Qaran ee horay ula wareegay talooyinkii dalka iyo awoodii Baarlamaanka, iyadoo Golahan uu durbaba shaqo fadhiisin dadban ku sameeyay kaalintii Wasaaraddaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Taliyeyaasha ciidamada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com