Galmudug oo dib u dhagax dhigtay mid kamid ah dugsiyadii burburay

HomeWararka

Galmudug oo dib u dhagax dhigtay mid kamid ah dugsiyadii burburay

Dhismaha Dugsiga Sare ee Galgaduud oo biri samaadkii ka mid ahaa dugsiyada Sare ee ugu magaca dheer Xarumaha Waxbarashada Dalka ayaa ka mid noqdey goo

Wajiga Labaad ee Wadahadalada Somaliland iyo Dowladda Somaaliya oo Lasoo Afmeeray (dhegayso)
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Garowe (dhegayso)
Taliyaha Qaybta Bossaso: “Gacantaan ku soo Dhignay Gacankudhiiglihii Dilay Ninkaas” (dhegayso)

Dhismaha Dugsiga Sare ee Galgaduud oo biri samaadkii ka mid ahaa dugsiyada Sare ee ugu magaca dheer Xarumaha Waxbarashada Dalka ayaa ka mid noqdey goobaha danta guud ee la boobey waxii ka dambeeyay burburkii Dowladdii dhexe.

Dugsigan oo mar ahaa kan kali ah mideeya Ardayda dugsiyada Sare ee Gobolada Dhexe ayaa ka koobnaa fasalo ardaydu ku qaadataan casharada qaybaha jiifka, cuntada, maktabad iyo sheybaar casri ah.

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u bilaawdey dhismaha iskuulkan oo mudo kooban gudeheed la qorsheynayo in dib loogu howl galiyo isla markaana uu markale soo saaro jiil cusub.

Gudoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow , oo ka qayb galey munaasabada dhagax dhiga Iskuulkan ayaa balan qaadey in ay gacanta Wasaaradda Waxbarashada ku soo celinayaan dhamaan Xarumaha kale ee muhiimka u ah Waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa sheegay in dugsigan uu soo maray marxalado kala duwan balse maanta waxii ka danbeeya uu kamid noqon doona Dugsiga Sare ee Galgaduud.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: