Gaalkacyo oo Qudaarta u Dhoofisa Xamar!

HomeWararka

Gaalkacyo oo Qudaarta u Dhoofisa Xamar!

Beeraleyda deegaanka Gaalkacyo ayaa bilaabay in ay qudaarta beerahooda ka soo go'da u iibgeeyaan magaalada Muqdisho. Arrintaan ayaa timid kaddib marki

Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geedi, Daljir Doolow (daawo)
Guddoomiyaha Gobalka Sanaag:” Ciidamadda Somaliland Badhan 60 KM ayeey u jiraan (dhegayso|daawo)
Xubno ka socda Midowga oo Muqdisho gaaray

Beeraleyda deegaanka Gaalkacyo ayaa bilaabay in ay qudaarta beerahooda ka soo go’da u iibgeeyaan magaalada Muqdisho. Arrintaan ayaa timid kaddib markii hoos-u-dhac dhinaca qudaarta uu soo wajahay beeraleydii dalagyadooda u iibgayn jiratay Muqdisho, abaaraha iyo biyo la’aan labada wabi dartood.

Beeralayda Gaalkacyo ayey fursadani siisay in ay qudaar mugleh maalin kasta u duuliyaan magaalada Muqdisho.

Gabdhaha qudaarta dhoofiya ayaa Radio Daljir uga waramay fursadda ay heleen iyo faa’iidada ganacsiga qudaarta. Waxay kale oo sheegeen in ay hadda qudaar u iibgeeyaan deegaano kale oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Hoos ka dhegayso

 

COMMENTS

WORDPRESS: 4
DISQUS: