Gaalkacyo: Banaanbax loga soo horjeedo  Aflagaadadii Nebiga (NNKH) loo geeystay oo Gaalkcyo ka socda

HomeWararka

Gaalkacyo: Banaanbax loga soo horjeedo Aflagaadadii Nebiga (NNKH) loo geeystay oo Gaalkcyo ka socda

Qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta ka bilaawday banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo Aflagaadadii N

Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)
Faaf faahin: dooni Ganacsi oo kuso caariday xeebta Boosaaso (dhegayso)
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga oo ka hadashay baaqashada ciyaartii Finalka degmooyinka (Akhriso)

Qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta ka bilaawday banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo Aflagaadadii Nebiga (NNKH) uu u geystay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Boqolaa Ruux oo isugu jira, Haween rag iyo qaar kamid ah Ardayda waxka barata Iskuulada magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay Maanta halkaasi ka dhigayaan banaanbax ay uga soo horjeedaan horjeedo Aflagaadadii Nebiga (NNKH) uu u geystay Madaxweynaha Faransiiska.

Banaanbaxayaasha ayaa qaarkood waxaa ay gubeen sawirka Madaxweynaha Faransiiska , iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah Madaxweynaha Faransiiska iyo wadamada Reer Galbeed.

Sidoo kale boqolaal ruux oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka banaadir ayaa waxaa ay banaanbax ka wadaan wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo si adag uga soo horjeeda hadalkii Madaxweynaha Faransiiska.

Inta badan dalalka Islaamka ayaa waxaa ka dhacaya banaanbaxyo xoogan, iyada oo dhamaan banaanbaxyada lagu gubay sawirka Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: