Fiilo koronto soo dhacday oo suuqa qudaarta Jigjiga dhimasho ka dhalisay

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Fiilo koronto soo dhacday oo suuqa qudaarta Jigjiga dhimasho ka dhalisay

Fiilo koranto ku soo dhacday suuqa qudaarta ee bartamaha Jigjiga ayaa waxaa ku dhintay laba qof halka saddex kale ku dhaawacmeen. Dhaawaca ayaa loola

Jidadka Jigjiga oo caawa bandoow ah iyo xaalka deegaanka Tuliguuleed
Maleyshiyaadka Canfarta oo shacab Soomaaliyeed ku xasuuqay deegaano katirsan gobolka City (daawo)
Ethiopia and her history of the Horn: Which Way to the Sea, Please?

Fiilo koranto ku soo dhacday suuqa qudaarta ee bartamaha Jigjiga ayaa waxaa ku dhintay laba qof halka saddex kale ku dhaawacmeen. Dhaawaca ayaa loola cararay dhakhtarka weyn ee SHEEKH XASAN REFERAL HOSPITAL.

Korontada ayaa kacday kaddib markii qof dumar ahi gacanta la haleeshay xadhiga haanta korantada oo ay hoosteeda ku iibinaysay qudaar.

Qaar kamid ah ganacsatada qudaarta ayaa sheegay inay dawladu ka dhego-adaygtay codsiyo isdabajoog ah oo looga dalbanayo in haanta korantada laga fogeeyo goobtaas ganacsiga.

Illaa iyo hadda haanta korontada suuqa Jigjiga waxa ay taal isla bartii galabta shilku ka dhacay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: