FIFA oo Soomaaliya Kubadda Cagta Ka Joojisey Muddo 7aad ah (Sababta)

FIFA oo Soomaaliya Kubadda Cagta Ka Joojisey Muddo 7aad ah (Sababta)

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa shaaciyay in mudo Isbuuc ah ay joojiyeen Ciyaaraha Kubadda Cagta ,iyaga oo ubaroor diiqaya gudoomiyihii guddiga Garsoorayaasha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo Habeenimadii Khamiista ay Jimco soo galeysay lagu dilay Muqdisho.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa waxaa lagu sheegay in Cismaan Jaamac Diraac,uu ahaa nin qaali ku ah xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta,islamarkaana aysan iloobi doonin.

“Waxa uu ahaa Saaxiib nagu weyn oo ahna walaal inta badan waqtigiisa geliyay horumarinta Ciyaaraha Soomaaliya, aad ayaan uga xunahay dilkiisa, todobada maalin waa wax kooban balse waligeen qalbigeena wuu ku jiri doonaa” sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cabdi qani Siciid Carab.

AKHRISO QORAALKA FIFA

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com