Madaxweynaha Soomaaliya oo Safar Ugu Baxay Wadanka Masar

Madaxweynaha Soomaaliya oo Safar Ugu Baxay Wadanka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka dhoofay Garoonka Aadan Cabdulle keddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Masar Mudane Abdulfataax Al Sisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona adkeynta xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada Waxbarashada, Beeraha, Socdaalka, Duulista Hawada iyo Tamarta iyo Biyaha.

Safarkn waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiirka Arrimaha dibadda, Wasiirka Beeraha, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, Wasiiru Dowlha waxbarashada iyo xildhibaanno

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com