Peter de Clercq,”Beegsiga Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Hoos Buu u Dhacay’

Peter de Clercq,”Beegsiga Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Hoos Buu u Dhacay’

Isku duwaha arrimaha gargaarka Qaramada Midoobey Peter de Clercq ayaa sheegay in ay hoos u dhaceen Weeraradii lala beegsan jiray Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee ka howlgalla Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in shaqaalaha Gargaarka sanadkaan ay si wanaagsan uga shaqeeyeen meelo badan oo Soomaaliya ah,iyagoo aan la kulmin wax dhibaato ah.

Peter de Clercq ayaa sidoo kale tilmaamay in shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay la kulmeen xarig iyo in laga diiday  meelaha qaar oo ay baahi ka jirtay,taas oo uu ku tilmaamay mid aan la aqbali Karin, laakiin waxaa uu sheegay in ay hoos dhaceen dilalka.

Waxaa uu xusay in Sanadkii la soo dhaafay ay dhaceen 100 shil oo 4 ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobey ay ku dhinteen.

Qaramada Midoobey ayaa inta badan sheegta in shaqaalaheeda ka howlgalla Soomaaliya iyo sidoo kale dalalka  dhibaatooyinka ay ka jiraan in ay la kulmaan dil iyo Afduub.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com