Faahfaahin: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Dowladda oo ka hadashay

HomeWararka

Faahfaahin: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo Dowladda oo ka hadashay

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka hore ee Xerada ciidamada Asluubta oo u dhaw Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Cabdikariin Qalbi Dhagax oo lagu soo dhoweeyey magaalada Hargaysa
Markab lagu weeraray Xeebaha dalka Cumaan

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka hore ee Xerada ciidamada Asluubta oo u dhaw Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Wariyaha Daljir ee Muqdisho Cabdiraxmaan Waabari ayaa kusoo waramaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dhinaca kale Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in la fashiliyay gaari walxaha qarxa ay ka soo buuxiyeen Al-Shabaab, kaas oo ay doonayeen in ay gudaha u geliaan xarunta taliska Guud ee ciidanka Asluubta ee KM7.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaliyeed Gashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa sheegay in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Diiwaanka Wararka
Radio daljir.com