Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka hore ee Xerada ciidamada Asluubta oo u dhaw Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Wariyaha Daljir ee Muqdisho Cabdiraxmaan Waabari ayaa kusoo waramaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dhinaca kale Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in la fashiliyay gaari walxaha qarxa ay ka soo buuxiyeen Al-Shabaab, kaas oo ay doonayeen in ay gudaha u geliaan xarunta taliska Guud ee ciidanka Asluubta ee KM7.
Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaliyeed Gashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa sheegay in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Diiwaanka Wararka
Radio daljir.com
Dhigaal Cusub
« Rooble oo ku baaqay in dadkii barakacay ay soo laabtaan
« Rooble oo ku baaqay in dadkii barakacay ay soo laabtaan
Dhigaal Duug ah
Saraakisha Ciidanka Booliska oo ka hadlay Qarax ka dhacay Xarunta Taliska Asluubta »
Saraakisha Ciidanka Booliska oo ka hadlay Qarax ka dhacay Xarunta Taliska Asluubta »