Cabdikariin Qalbi Dhagax oo lagu soo dhoweeyey magaalada Hargaysa

Cabdikariin Qalbidhagax oo ah sarkaal katirsan jamhadda ONLF ee Soomaali Galbeed ayaa siwayn loogu soo dhoweeyey magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland oo uu gaaray maanta.

Sarkaalka ayaa waxaa soo dhowayntiisa ka qaybgalay xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland iyo qaybaha bulshada.

Qalbi-dhagax ayaa u sheegay warbaahinta in madaxda ONLF ay dhowaan imaan doonaan magaalada Hargaysa.

Waa markii ugu horaysay oo uu soo gaaray dalka Soomaaliya muwaadinkan oo horay dowladda dhexe ay ugu wareejisay dowladda Itoobiya.

Isbadalada kadhacay Itoobiya ayaa waxaa ka mid ah in jamhadda ONLF laga saaray liiska argagaxisada ee Itoobiya.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com