Saraakisha Ciidanka Booliska oo ka hadlay Qarax ka dhacay Xarunta Taliska Asluubta

Saraakisha Ciidanka Booliska oo ka hadlay Qarax ka dhacay Xarunta Taliska Asluubta

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in la fashiliyay gaari walxaha qarxa ay ka soo buuxiyeen Al-Shabaab, kaas oo ay doonayeen in ay gudaha u geliaan xarunta taliska Guud ee ciidanka Asluubta ee KM7.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaliyeed Gashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf, oo la hadlay Warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Dad u badan Shacab oo marayay goobta uu ka dhacay qaraxa ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0