Faah Faahin Askari katirsan ciidamada Booliska Puntland oo Bosaaso lagu dilay

HomeWararka

Faah Faahin Askari katirsan ciidamada Booliska Puntland oo Bosaaso lagu dilay

Waxa ay faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxaysaa dil xalay ka dhacay magaalada Bosaaso gaar ahaan isgoyska Gaaco oo ay ka baxaan gaadiidka dadweynah

Guddoomiye Ciyoon: “57 Sano kaddib Gobolka Sanaag wuxuu Yeelanayaa Waddo Laami ah” (dhegayso)
BOOSAASO: Qaraxa lala eegatay Ciidamo u socday deegaanka Af-urur
Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)

Waxa ay faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxaysaa dil xalay ka dhacay magaalada Bosaaso gaar ahaan isgoyska Gaaco oo ay ka baxaan gaadiidka dadweynaha .

Dilkan ayaa waxaa loo gaystay Askari katirsan ciidamada Booliska ee gobolka Bari xili uu suuqa ka adeeganayay.

Kooxo baastoolado ku hubaysan oo watay Mooto laba lugoodleey ah ayaa dilkan fuliyay waxaana la sheegay in durbadiiba ay goobta ka baxsadeen .

Ciidamada amniga ayaa soo gaaray goobtii uu dilku ka dhacay waxayna xireen wadooyinka soo gala isgoyska Gaaco .

Rasaas ay fureen ciidamada ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qof oo shacab ah  waxaan hakad galay isku socodkii dadka iyo gaadiidka dadweynaha ee magaalada Bosaaso .

Askariga ladilay ayaa waxaa lagu magacaabaa  Shucayb Cismaan,mana jiro cid loo soo qabtay falkan .

Amaanka magaalada Bosaaso ayaa ahaa maalmahan mid dagan kadib howlgalo ay ka wadeen ciidamada Amniga16 xaafadood oo ay magaalada ka koobantahay .

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: