HomeUncategorized

Eng.Camey oo kulan looga Hadlayay Mashruuca JPLG-ga la Qaatay Madaxda Sideed wasaaradood

Talaado, Ogoosto 04, 2015 (Daljir) —Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 4-8-2015 aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe kullan ku saabsan derder-gelinta mashruuca horumarinta degmooyinka Puntand ee JPLG kula qaatay sideed Wasaaradood oo kamid ah wasaaradaha Puntland .

Mudane ka tirsan baarlamaanka Puntland oo maamulka Soomaaliland ku eedeeyey in uu colaadeed ka hurinayo gobolka Cayn.
DHEGEYSO-Shacabka degmada Burtinle oo soodhoweeyey in Daljir xorriyaddeedii dib u hesho.
(DHAGEYSO WAREYSI) Laamaha Amniga ee gobalka Mudug oo ka hadlay Amaanka Gaalkacyo

Talaado, Ogoosto 04, 2015 (Daljir) —Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 4-8-2015 aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe kullan ku saabsan derder-gelinta mashruuca horumarinta degmooyinka Puntand ee JPLG kula qaatay sideed Wasaaradood oo kamid ah wasaaradaha Puntland .

Waxaana ay kala ahaayeen Wasaaradda arrimaha gudaha, Dawladaha hoose iyo horumarinta reermiyiga , Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Wasaaradda Howlaha guud iyo gaadiidka, Wasaaradda Deegaanka , Wasaaradda Caafimaadka ,Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland.

Mudadii uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay waxqabadkii saddexdii bilood ee la soo dhaafay  ( May , June , July ) , derdergelinta dhsitaanka Golaha deegaanka Degmooyinka Garoowe, Boosaaso, Burtinle , Galdogob iyo degmooyinka kale ee harsan.

Xubnihii ka socday sideeda Wasaaradood ee ka qeyb-galay shirka ayaa waxaa ay madasha ku soo bandhigeen waxqabadka saddexdii bilood ee la soo dhaafay iyo qorshayaasha horumarineed ee hada ay kawadaan guud ahaan Puntland.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ku booriyey dhammaan madaxdii ka qeyb-gashay kullanka inay laban laabaan shaqada u taala , si sanadka dambe loo gaaro horumar balaaran oo la taaban karo.

Muhiimadda kullankaan aya ahaa sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG oo si hamsami leh uga soconaya guud ahaan Puntland , loona derder-gelin lahaa mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: