HomeUncategorized

Peter de Clercq oo Maanta Kormeeray xeryaha ay ku jiraan Dadka ka soo Barakacay Yemen ee ku sugan Bosaaso

Talaado, Ogoosto 04, 2015 (Daljir) —Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay ee dalka Somalia, Peter de Clercq ayaa maanta booqasho gaaban ku soo gaaray degmada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyadoo ay ku wehlinayeen booqashada xubno kale oo ka tirsan Xafiiska QM ee Soomaaliya.

Barlamaanka Somaliya oo Kalfadhi Yeeshay
Baahin: Salaasa, 27 Nov 2013 -Caawa Iyo Daljir Weriye Xaliimo Sacdiya Cabdilaahi Cali~ Daljir ~ Garowe
(DHAGEYSO) Barnaamijka Saaka & Dunida (Xarunta Boosaso)

Talaado, Ogoosto 04, 2015 (Daljir) —Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobay ee dalka Somalia, Peter de Clercq ayaa maanta booqasho gaaban ku soo gaaray degmada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, iyadoo ay ku wehlinayeen booqashada xubno kale oo ka tirsan Xafiiska QM ee Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Puntland, C/llaahi Saalax (Qoobdeero), Madaxda maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmada Bosaaso ayaa Mas\’uulkan ku soo dhaweeyay magaalada Bosaaso ,waxaana aad loo adkeeyay amniga magaalada.

Peter de Clercq ayaa booqasho ku tagay xeryo ay ku jiraan boqolaal dadweyne ah oo ka soo barakacay colaadaha iyo dagaalada ka socda Yemen, waxaana uu shirar gooni-gooni ah uu  la yeeshay mas’uuliyiinta gacanta ku haya xeryahaas.

Wasiirka arimaha gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo Peter ayaa kulan saacado qaatay ku yeeshay xarunta gobolka ee degmada Boosaaso, waxaana shirkan looga hadlay arimo ku aadan taakulaynta qaxootiga Yemen ka soo cararaya.

“Halkan maanta waxaan ku soo dhaweynay wafdi heer sare ah oo ka socday Qaramada Midoobay ,waxa ay u yimaadeen sidii ay u kormeeri lahaayeen xaaladda qaxootiga halkan ku sugan” ayuu yiri wasiir Karaash oo warbaahinta la hadlay.

“Qaramada Midoobay waan uga mahad-celinaynaa taageerada ay siiso Soomaaliya ,balse xiligan loo joogo waaan in wax laga qabto xaaladda qaxootiga halkan ku soo qul-qulaya “ ayuu mar kale yiri Axmed Karaash.

Ugu dambeyn, Peter ayaa sidoo kale booqday dekedda magaalada Bosaaso oo bilihii la soo dhaafay ay ka soo dagayeen Qaxooti aad u badan  oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib kale oo u dhashay Yemen.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: