HomeUncategorized

Ehellu-suna oo isku khilaafsan siyaasada dowladda ee ururka iyo maamulka Galguduud (Dhegeyso)

Guriceel, August 26, 2013 - Guddiga fulinta ee ururka Ehellu-suna Waljamaaca ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan, magcaabista gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, kaas oo ay dhowaan soo dirtay dowladda.

Akhri-Jadwalka doorashada Soomaaliya ee 2016 oo lasoo saaray.
Dhaawacyadii Hotel Saxafi oo Dibada loo Qaadayo
Tahriibayaal Somali iyo kuwa Afrikaan ah oo lagu Qabtay Xuduudka Maraykanka iyo Mexico

Guriceel, August 26, 2013 – Guddiga fulinta ee ururka Ehellu-suna Waljamaaca ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan, magcaabista gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan, kaas oo ay dhowaan soo dirtay dowladda federaalka ah, balse uu khilaaf ka dhashay.

Gudoomiyaha guddiga fulinta ururka Ehellu-suna Cabdi Cali Fiidow oo u waramay Radio Daljir ayaa waxaa uu soo dhoweeyey magcaabista gudoomiyaha gobolka Galguduud, sidoo kale wuxuu ka hadlay wefdiga ay dowladda dhexe u soo dirtay gobolka ee ka shaqeyn doona wada-hadalka ururka iyo dowladda.

? Gudoomiyaha cusub ee Galguduud maaha wax muran ka dhalan karo, waan soo dhoweynaynaa, wuxuuna ku yimi rabitaankeena? ayuu yiri mudane Fiidow.

Gudoomiye Fiidow wuxuu kaloo sheegay in wefdiga dowladda ka socda ay kula kulmeen degmada Guriceel, wuxuu intaas ku daray in xubnaha ka socda dowladda dhexe ey tegi doonaan degmada Dhuusamareeb ee xaruunta gobolka, halkaas oo wax badan lagu gorfeyn doono.

Saacadihii ina dhaafay waxaa soo baxayey warar kala gedisan oo sheegaya in uu soo if baxayo khilaaf u dhexeeya maamulka Ehellusuna, arrintaas oo muujinaysa in uu xataa bur-buray heshiiskii labbada Dowladda iyo ururka Ehellu-suna.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

?

Iimaan Maxamed Jaamac oo ku sugan Daljir Galkacayo ayaa waraystay Gudoomiye Fiidow

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: