Dhaawacyadii Hotel Saxafi oo Dibada loo Qaadayo

November 05, 2015 (Daljir) — Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa ka hadlay Weerarkii ka dhacay Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Ra’isal Wasaaraha ayaa sheegay hadii ay jiraan dhaawacyo culus oo dalka wax loogu qaban Karin in ay u qaadayaan Dalka dibadiisa si wax loogu soo qabto dadkaasi.

Waxa uu tilmaamay in Xukuumada Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso dhaawacyada ku jiro isbitaalada Magaalada Muqdisho isla markaana ay ka warqabayaan.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa hadalkaani Warbaahinta u sheegay ka dib Markii uu ka warbixinaayay Kulan uu Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya la qaatay Guddiga Amniga Qaranka.

Bilowga todobaadkan ayay ahayd Markii Weerar ay Masuuliyadiisa sheegteen Al-Shabaab lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen Masuuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka Soomalaiya.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com