Madaxweynaha Soomaaliland oo ku baaqay in laga wada-shaqeeyo ka hortaga xanuunka ADIS-Ka

Hargaysa, August 26, 2013 – Maamulka Soomaaliland ayaa cabsi weyn ka qaba wada-shaqeyn la?aanta hay?adaha la dagaalanka cudurka ADIS-ka iyo bulshada deeganadaasi, xili ay jiraan dad badan oo xanuunka la nool kuna dhex jira bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo booqday xaruun ay degan yihiin, ?guddi ?madax banaan oo ka shaqeysa arrimaha cudurka ADIS-ka ayaa sheegay in ay jirto khatarta xanuunka.

Wuxuu ka dalbaday bulshada reer Soomaaliland, Ganacsatada iyo ururrada kala gedisan in ay la shaqeeyaan guddiga madaxa banaan ee la socodka arrimaha AIDIS-ka iyo ka hortagiisa, arrintaan ayuu ku tilmaamay is kaashi wanaagsan oo looga hortegi karo khatarta cudurka

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu tilmaamay in maamulkiisu uu xil weyn iska saaray wax ka qabashada iyo xakamaynta xanuunka HIV/ADIS, wuxuu ku cel-celiyey in ay muhiim tahay in lala shaqeeyo guddiga Soomaaliland u qaabilsan ka hortaga cudurkan oo ah kuwa madax banaan.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com