Duqayn laga fuliyeey qaybo kamid ah gobalka shabeelaha dhexe

HomeWararka

Duqayn laga fuliyeey qaybo kamid ah gobalka shabeelaha dhexe

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Gobalka Sh/dhexe ayaa sheegaya in howlgal isugu jira duqeyn iyo weerar toos ah lagu qaaday deegaanka Gamboole o

Madaxweyne Laftagareen oo Baydhabo dib ugu laabtay
Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Kulan La Qaatay Golayaasha Dowladda Puntland iyo kuwa DFS (dhegayso/sawiro)
Isbaddalka Geeska Afrika: Eriteriya oo u gacanhaadisay Djibouti iyo Madaxweyne Geelle oo weli miiska ka maqan

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Gobalka Sh/dhexe ayaa sheegaya in howlgal isugu jira duqeyn iyo weerar toos ah lagu qaaday deegaanka Gamboole oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Duqeynta ayaa la sheegay in lala beegsaday dhismooyin ay degenaayeen maleeshiyaadka Alshabaab iyadoo sagaal gantaal oo lagu dhuftay dhismooyinkaas.

Duqeynta kadib ayaa la sheegay in ay ciidamo ka soo degey diyaarado ay howlgal baaritaan ah ka fuliyeen halkaas.

Weerarkan qorsheysnaa ayaa la sheegay in uu ka dhashay qasaare xoog leh oo soo gaaray dagaalamayaasha Alshabaab waxayna ciidamada howlgalka fuliyay isugu jireen Soomaali iyo ciidamo la rumeysan yahay inay ahaayeen Maraykank.

Dadka ku nool deegaankaas ayaa sheegay in ay arkeen meydadka afar ka tirsanaa Alshabaab iyo labo ruux oo rayid ah.Hase yeeshee si dhab ah looma oga tirada dadka ee ku dhintey gantaaladii lagu dhuftay xarumaha ay degenaayeen Al-Shabaab.

Deegaanka Gamboole ayaa ah saldhigga ugu weyn ee Alshabaab ku leeyihiin gobolka Sh/dhexe. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-Shabaab iyo ciidamada dowlada Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: