Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Kulan La Qaatay Golayaasha Dowladda Puntland iyo kuwa DFS (dhegayso/sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Kulan La Qaatay Golayaasha Dowladda Puntland iyo kuwa DFS (dhegayso/sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 2 Agust 2018 waxaa uu kulan laqaatay Labada Gole ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland kulankan uu laqaatay labada Gole ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweyne ku xigenka Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane. Xasan Cali Khayre iyo Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Kulankan uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas laqaatay labada gole wasiiro oo ka dhacay hoolka Wasaaradda Maaliyada Dowladda ayaa ahaa kulamadii khamiislaha ahaa ee ay yeelan jireen golayaasha Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlo xaaladaha guud ee Soomaaliya.

Dhinaca kale kulankii maanta oo aha mid isla xisaabtan ah ayaa inta badan looga hadlay arimaha amniga, dhaqaalaha, arimaha bulshada, la dagaalanka kooxaha argagaxisada, federaaliisamka iyo hanaanka doorashooyinka iyo sidii la isu waafajin lahaa shaqooyinka wasaaradaha Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxyaabahii ugu waaweynaa ee looga hadlay kulankii maanta ayaa waxaa aad loo gorfeeyey saam qaybsiga khayraadka dabiiciga ah iyo sidii si siman loogu qaybin lahaa deeqaha beesha caalamku ugu deeqdo Soomaaliya, iyo weliba sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, islamar’ahaantaana loo taabagelin lahaa dismaha dekedo cusub oo dhaqaalaha Puntland iyo Soomaaliyaba kor usoo qaada.

Ugu danbayn, kulankii maanta ayaa la isla afgartay sidii loo abuuri lahaa jewi degan oo horseeda in hore looga gudbo Soomaaliya halka ay maanta taagan tahay, iyo sidii loo taaban gelin lahaa qaab wada shaqaynayd oo wanaagsan oo keeni kara in la iswaafajiyo hanaanka Dowladdnimo ee Puntland iyo kan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com