Duqayn diyaaradeed oo kadhacday gobolka Jubada Hoose

Duqayn diyaaradeed oo kadhacday gobolka Jubada Hoose

Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya duqayn diyaaradeed inay ka dhacaday deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Sarkaal katirsan Ciidamada Jubaland ayaa u sheegay warbaahinta inay duqayntan ku geeriyoodeen dagaalamayaal katirsan Al-shabaab oo la beegsaday.

Waxa uu intaasi ku daray diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka inay fuliyeen duqayntan.

Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish tan iyo markii madaxwayne Trump uu amray in la beegsado Al-shabaab.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com