Madaxwaynaha Soomaaliya oo Cambaareeyey weerarkii Siinaay

Madaxwaynaha Soomaaliya oo Cambaareeyey weerarkii Siinaay

Madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii ka dhacay masaajid ku yaala magalada Siinaay ee waqooyiga dalka Masar jimcihii shalay, kaasi oo ay ku geeriyoodeen 235- ruux, kuna dhaawacmeen 109 qof.

Weerarkaasi oo lagu qaaday Masaajidka Al-rowda ayaa lasoo sheegayaa inuu isugu jiray qaraxyo iyo rasaas toos ah oo lagu furay dad ku cibaadaysanay masjidka.

Madaxwayne Farmaajo oo ka hadlay weerarka ayaa yiri.

“Aniggoo ku hadlaya magaceyga iyo kan Shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waxaan xanuunka la qeybsanayaa  dowladda Masar iyo shacabkeeda xanuunka iyo murugada ka dhalatay dadka sida arxan darrada ah loogu xasuuqay Masjidul Rowdah ee dalka masar ku yaalla, waxaan garab taaagan nahay  masar, waxaana ku garab siineynaa siddii argagixisada qeybo kamid aduunka dhibaatada ka wado uga adkaan laheyd, qaraxa maanta salaadda khudbada kadib ka dhacay Masjidul Rowdah waxay muujineysaa ficilada xun ee kooxaha Argaggixisada waana wax ka hor imaanayo diinta Islaamka ” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com