Puntland oo Damalo Xagare Dhagax-dhigtay Saldhig Booliis

Puntland oo Damalo Xagare Dhagax-dhigtay Saldhig Booliis

Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo hawlo shaqo u jooga gobolka Sanaag ayaa maanta gelinkii danbe 23 Nov 2017 ka dhagax dhigay magaalada Damala-xagare Saldhig Boolis kaas oo noqonaya saldhiggii labaad ee uu Agaaasimuhu isla maanta ka dhagax dhigo gobolka Sanaag.

Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa waxaa dhagax dhigga saldhigga Booliska magaalada Damala-xagare ku wehelinaayey Guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac Ciyoon, maamulka Magaalada Damala-xagare, taliyayaasha ciidanka Booliska iyo Daraawiishta ee gobolka Sanaag iyo xubno ka tirsan xildhibaanada golaha degaanka degmada Badhan.

Weftiga Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa kahor inta aanay dhagax dhigin saldhigga waxa ay kulan is xogwaraysi ah la qaateen waxgaradka maagalaada Damala-xagara, waxaana uu Abwaan Cabdirashiid yuusuf Jibriil Cawl u cadeeyey shacabka magaaladaasi inay tahay magaaladoodu mid muhiimad gaara u leh gobolka iyo guud ahaanba Puntland, isla markaana waxa uu Agaasimuhu sheegay in xukuumadda dawladda Puntland la damacsan tahay magaaladooda inay ka fuliso wax qabad balaadhan oo ay ugu horayso saldhig Boolis iyo ciidankii ku hawlgeli lahaa saldhiggaasi.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimaddiisa gaarka ah uu u leeyahay saldhiggu magaalada iyo guud ahaan deegaanka hoosyimaadaba, madaama ay kaga faa’iidaysan doonaan saldhigga iyo ciidankiisaba ka hortagga wax kasta oo lid ku ah xasiloonida, horumarka iyo amaanka magaaladoodaba.

Dhinaca kale Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada dawladda oo kahadlay goobtii dhagax dhigga saldhigga magaalada Damala-xagare ayaa sheegay in maanta ay hirgashay qayb kamid ah balanqaadkii Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kaas oo ahaa in todoba saldhig laga hirgeliyo gobolka iyo sadex ‘MCH’ , isla markaana waxaa uu Agaasimuhu ku amaanay shacabka magalaada Dama-laxagare sida wanaagsan ee ay isugu xilqaameen kawada shaqaynta horumarka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in dawladdu diyaar latahay kharash iyo wax-kastoo ku baxayaba dhismaha saldhiggaasi.

Maamulka magaalada Damala-xagare iyo bulshada magaaladaasi ayaa iyagoo isku duuban xanbaartay masuuliyadda dhammaystirka dhismaha saldhiggaasi, waxaana ay xukuumadda dawladda Puntland iyo weftiga hawlaha shaqo ugu yimiba uga mahadceliyeed sida wadaniyaddu ku jirto ee ay dalkooda iyo dadkoodaba ugu adeegayaan.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag, taliyayaasha Booliska iyo Daraawiishta ee gobolka Sanaag ayaa iyana dhankooda shacabka magaalada Damala-xagare uga mahadnaqay sida walaaltinimada leh, qadarintale, dadnimadale, wadaniyaddu ku jirto ee ay ku qaabileen weftigooda, isla markaana ay u garawsadeen sidii ay u horumarin lahaayeen magaaladooda, waxaana ay tilmaameen in saldhiggu wax badan kusoo kordhinayo magaalada iyo guud ahaan degaankaba.

Ugu danbayn, Agaasimaha Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Abdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa soo kormeeray dhismaha xarun caafimaad oo magaalada laga hirgelinayo kaas oo dhismihiisu marayo heer gebogebo ah iyo sidoo kale ceelka biyaha magaalada kaas oo ay hirgelisey dawladda Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

  

  

   

   

   

   

……………………………….

Qormooyin la xiriira Damalo Xagare hoos riix:

Caaqil Cabdiqani MF Ducaale, Ceerigaabo: “Gobolka Sanaag baa la isku haystaa dib-danbe u maqli maysaan” (dhegayso)

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com