Duqayda beesha Arab ee Isaaq oo ka soo horjeestay dagaalka Madaxtooyada Hargeysa ka hurineyso gobolka Sool

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Duqayda beesha Arab ee Isaaq oo ka soo horjeestay dagaalka Madaxtooyada Hargeysa ka hurineyso gobolka Sool

Waxaa mar kale isa soo taray diidmada qaar beelaha Somaliland ay kaga soo horjeedaan dagaalka ka socda gobolka Sool, kaas oo ay sababtiisa ku eedeeyee

Maxaa sababay in Abwaan Cabdirashiid uu helo 5 cod oo kaliya? (dhegayso | daawo)
Puntland oo qiimo-dhimis canshuureed iyo mid khidmadeed ka hirgalisay gegida diyaaradaha Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf Airport
Axmed Madoobe oo la Hadlaya Baarlamaanka DFS: “Shaqada aad Leedihiin inta Garan Weydaan Annaga Faraha ha nagu soo Taagtaagina”

Waxaa mar kale isa soo taray diidmada qaar beelaha Somaliland ay kaga soo horjeedaan dagaalka ka socda gobolka Sool, kaas oo ay sababtiisa ku eedeeyeen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Odayaal ka tirsan degmada Axmed Dhagax ee Hargeysa ayaa mar kale ku celiyey sida ay uga soo horjeedaan in wiilashooda loo adeegsado wax ay ku tilmaameen dagaal sokeeye, kaas oo ay sheegeen in ulajeedada ka danbaysa hurinta colaaddaasi ay tahay in ay madaxtooyada Somaliland ka cagajiidayso doorashooyinkii hore ay dartood shacab ka gadooday ugu laysay Hargeysa, kuwaas oo dareenkooda si nabdoon ugu muujinayay in aanay aqbali karin dib-u-dhaca uu xisbiga Kulmiye ugu xusulduubayo in aan la qaban doorasho madaxtooyo.

‘‘In dad shacab ah oo aan waxba galabsan siyaabo kala duwan loo laayo, oo madaafiic lagu garaaco, annagana wiilashayada loo adeegsado maaha wax aan aqbali karno,’’ ayuu yiri oday ka mid ah duqayda Axmed Dhagax ee beesha Arab Sheekh Isxaaq oo maanta si caro leh uga falceliyey dagaalka mar kale ka soo cusboonaaday magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Duqayda beesha Arab ayaa mar kale ugu baaqay madaxtooyada Hargeysa in ay ciidamadeeda kala soo baxdo gobolka Sool, keentana meel ku suntan soohdin qabiileedka kala qaybiya beelaha Isaaq iyo Dhulbahante.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay odayaal ka soojeeda Isaaq ay ka horyimaadaan damaca madaxweynaha Somaliland ee kahorimanaya doonidda shacabka Laascaanood ee ku aaddan inay taladooda u madaxbannaanaadaan.

Hore ayaa ay Salaadiinta beelaha Garxajis u diideen in ay u dhag-raariciyaan baaqyada Muuse Biixi ee ku aaddan guud ahaan colaadda Sool, iyagoo si gaar ah u tilmaamay in mas’uuliyadda dhacdooyinkaas uu qaadanayo taliska xilligan ee Somaliland.

Diiwaanka wararka | Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0