Puntland oo qiimo-dhimis canshuureed iyo mid khidmadeed ka hirgalisay gegida diyaaradaha Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf Airport

Iyadoo dhawaan Radio Daljir uu baahiyey xog ballaaran oo daaranayd tabashada dadweyne iyo duullimaad ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee Cabdillaahi Yuusuf Airport, ayaa maanta wasaaradaha duulista hawada iyo maaliyaddu ay ka jawaabeen cabashadii baahiyeed ee garoonkaasi, taasoo iskugu jirta qaalisanaanta qiimaha canshuuraha, khidmadaha kale ee dawladda iyo dayacnaanta dhisme ee garoonka.

Kulan ballaaran oo ay qabanqaabisay dawladdu, ayna ka qaybgaleen hay’ado kala duwan oo dawladda ah, maamullada shirkadaha duullimaaddada ee gobolka iyo qaybo badan oo bulshada ayaa lagu qabtay magaalada Galkacyo, kaasoo dawladdu ka shaacisay in hoos loo dhigay canshuurihii garoonka Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf iyo khidmadihii kale ee dawladda ay qaadi jirtay, taasoo ku kooban duullimaaddada diyaaradeed iyo dadka ka dhoofaya ama ka soo degaya garoonka.

Warbixintaan waxaa nooga diyaarshay Cabdifataah Cumar Geeddi.


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com