Duq Degmo Safiya Cali, gabadhii ugu horreysay Soomaaliya ee noqota Duq Degmo kana noqota Beledweyne (dhegayso | waraysi)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Duq Degmo Safiya Cali, gabadhii ugu horreysay Soomaaliya ee noqota Duq Degmo kana noqota Beledweyne (dhegayso | waraysi)

Bahda Radio Daljir waxaa daqiiqado kahor u suurtagashay in aan waraysi la yeelano Duq Degmo Safiyo Cali, gabadhii ugu horreysay abidan taariikhda Soom

Garoowe oo laga Daahfuray daraasadda Biyo mareenada magalaada
10 Jilayaal Bollywood ugu caansan ahaana heerka koowaad sannadihii 2000-2018 (sawirro)
Mid kamid ah Shaqalaha Xarunta Cusub Ee Caalami Pharmacy & Supermarket 2. Qardh

Bahda Radio Daljir waxaa daqiiqado kahor u suurtagashay in aan waraysi la yeelano Duq Degmo Safiyo Cali, gabadhii ugu horreysay abidan taariikhda Soomaaliya ee noqoto Duq Degmo, kana noqoto degmada qadiimiga ah ee Beledweyne ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele.

Madaxweyne Waare iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha ee Hirshabelle ayaa Duqa Degmada Baladweyne u magacaabay Safiyo Cali oo horay muddo labo sano ah soo noqotay Guddoomiyaha Degmada Shibis ee Gobalka Banaadir.

Waraysigii ugu horeeyay oo ay Safiyo bixiso, siiseyna Radio Daljir, ayey ku sheegtay in muhiimadda koowaad ay siinayso amniga magaalada iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha. Safiyo ayaa Radio Daljir la qaybsatay oraahaha caanka ah ayada oo tiri, “haweenku waa laf-dhabartii waddanka … hooyadu baahi walba waa fahmi kartaa … nin kasta oo wax ah gadaashiisa naag baa taagan oo rag ka dhigtay, hooyo ha ahaato ama xaaskiisa!”

Waxaa waraystay wariye Xasan Heykal. Hoos kaga bogo.

Hoos ka daawo waraysiga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: