Dugsiyada Tuli Guuleed ee ku dumay dagaalada Oramada oo aan weli la dayactirin

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Dugsiyada Tuli Guuleed ee ku dumay dagaalada Oramada oo aan weli la dayactirin

Waxaa guud ahaan dalka Itoobiya iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida si toos ah uga bilaabmay sannad-dugsiyeedkii waxbarashada ardeyda ee 2019-2020. Saa

Dagmada Haroorays ee Gobolka Faafan DDS & Horumarka ay ku talaabsatay (daawo)
Maxamed Dahir Astur: “Qoloji waxaa loo xirayaa si indhaha caalamka looga qariyo” (dhegayso|daawo)
What does the dissolution of the Liyu Police mean for the Somali region and Somalis?

Waxaa guud ahaan dalka Itoobiya iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida si toos ah uga bilaabmay sannad-dugsiyeedkii waxbarashada ardeyda ee 2019-2020.

Saas oo ay waxbarashadu dalka uga bilaabatay baan haddana tuulooyin badan oo hoosyimaada degmada Tuli Guuleed ee gobolka Faafan ayaan weli wax dayactir lagu sameynin. Dugsiyada waxbarashada ee deegaanka ayaa dagaalada Oromadu aafeeyeen, qaarkoodna kuba burbureen.

Ardeyda degmada Tuli Guuleed ayaan muddo laba sannadood ah helin wax waxbarasho ah, waxaana waxbarasho la’aantaas sababay dagaalo ay maleeshiyaad qowmiyadda Oromadu si joogto ah ula beegsadaan deegaanada Soomaalida, siiba Tuli Guuleed iyo deegaanada hoosyimaada.

Ardeyda Tuli Guuleed ayaa sannad dugsiyeedkaan waxa ay Dowladda Federaalka iyo xukuumada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga u direen baaq ay ku codsanayaan in dib loo dayactiro goobaha waxbarasho ee deegaanka Tuli Guuleed.

Diiwaanka wararka DDS

Radio Daljir

Jigjiga

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: