Maxamed Dahir Astur: “Qoloji waxaa loo xirayaa si indhaha caalamka looga qariyo” (dhegayso|daawo)

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Maxamed Dahir Astur: “Qoloji waxaa loo xirayaa si indhaha caalamka looga qariyo” (dhegayso|daawo)

Siyaasiga Maxamed Daahir Astur oo ka mid ah siyaasiyiinta DDS ayaa wareysi uu siiyey Radio Daljir wuxa uu ku sheegay in dawladda Itoobiya ay dooneyso

MADAXWEYNAHA DDS MUSTAFE CAGJAR OO KA QEYB GALAY TARTANKA KUBADA CAGTA EE 11KA GOBOL (Warbixin)
Odayaasha & maamulka Tuli Guuleed oo wada qorshe dib-u-dejin barakacayaasha
Ololaha Naadaafadda ‘ZERO WASTE TOLERANCE’ oo Jigjiga ka socda

Siyaasiga Maxamed Daahir Astur oo ka mid ah siyaasiyiinta DDS ayaa wareysi uu siiyey Radio Daljir wuxa uu ku sheegay in dawladda Itoobiya ay dooneyso inay xirto xerada barakacayaasha Soomaalida ee Qoloji ee ku taalla duleedka magaalada Jigjiga, ayna ku nool yihiin kumanaan qoys oo malleeshiyaadka Oromadu ka soo barakiciyeen dhulkoodii.

Ujeedka xeradan loo xirayo ayuu ku tilmaamay inuu yahay sidii indhaha caalamka looga qarin lahaa dhibaatada ay geysteen malleeshiyaadka Oramadu, iyo sidii loo xalaaleysan lahaa guryihii iyo beerihii dadkani ka soo barakaceen ee Oromadu xoogga ku haysato.

Docda kale Maxamed Astur waxa uu ka hadlay soodhoweyntii maalmo yar kahor magaalada Jigjiga loogu sameeyey hoggaamiyaha malleeshiyaadka Oromada Jawar Maxamed oo ah madaxa maleeshiiyaadka Oramada ee loo yaqaan QEERO!

Maxamed Daahir Astur ayaa u warramay Axmed Sh. Maxamed “Tallman” oo ku sugan studiyaha Daljir ee magaalada Bossaso.

Hoos ka daawo Muqaalka Dadkaas laga Barakaciyeey.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: