Odayaasha & maamulka Tuli Guuleed oo wada qorshe dib-u-dejin barakacayaasha

Odayaasha & maamulka Tuli Guuleed oo wada qorshe dib-u-dejin barakacayaasha

Odayaasha, maamulka iyo aqoonyahanka degmada Tuli Guuleed ee gobolka FAAFAN oo uu horkacayo Guddoomiyaha degmada Tuli Guuleed Maxamed Ismaaciil ayaa soo indhaindheeyey goobaha shacabku ka barakeceen labadii sannadood ee ugu dambeeyey ee ay colaaduhu deegaanka ragaadiyeen.

Guddoomiyaha ayaa falaanqeeyey sidii dib-u-dajin loogu samayn lahaa shacabka xoolo dhaqatada, beeralayda iyo barakacayaasha kale ee ay maleeshiyaadka Oromiya ka barakiyeen deegaanka Tuli Guuleed iyo deegaanka ku xeeran.

Tuliguuleed waxa ay 30 KM dhanka waqooyi ka xigtaa magaalo madaxda Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ee Jigjiga, dhanka galbeedkana waxaa ka xiga Jinacsani oo kal hore Oramadu kala wareegeen Soomaalida. Tuli waa deegaan beeraley ah, kana mid ah magalooyinka ugu waxsoosaarka badan DDS. Laakiin Tuli Guuleed waxaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyey weerar ku ahaa maleeshiyaadka Oramada, ayada oo dad badan ku naf waayeen, kuwo badanna laga qaxiyey badanaa qabalada ama degmooyinka hoostaga Tuliguuleed.

Tuli Guuleed labo sano kudhawaad waxaa saarnaa cunoqabateyn waxaana laga go’doomiyey in hay’adaha caalamku ay cag dhigaan, laakiin bilihii ugu danbeeyey ayaa qaar hay’adaha UN-ku halhaleel ku tageen, waxa ayna diiwaangeliyeen barakacayaasha Tuli Guuleed.

Weerarada joogtada ee illaa iyo hadda Oramadu la beegsaneyso Tuli Guuleed ayaa dadka deegaanku rumeysanyihiin in ay daarantahay damaca ah isku xirka Jinacsani, oo hore Soomaalida loogala wareegay, iyo Boorama, Awdal, si loo gaaro xeebta Saylac. Jinacsani iyo Boorama waxaa u dhexeeya degmada Tuli iyo Degmada Awbarre.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com