Dowladda Soomaaliya oo sheegtay Inuu socdo Qorshe lagu soo saarayo lacago cusub

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay Inuu socdo Qorshe lagu soo saarayo lacago cusub

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa ka warbixiyay hannaanka lacag bixinta mideysan ee ay wadaagaan bangiyada dalka. Gud

Dilal xalay kadhacay Muqdisho
Meydka wiil dhalinyaro ah oo laga helay xeebta muqdisho
Saaka & Dunida iyo Maxamed Ibraahin Geelle, Daljir Garowe (dhegayso)

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa ka warbixiyay hannaanka lacag bixinta mideysan ee ay wadaagaan bangiyada dalka.

Guddoomiyuhu waxa sheegay in lagu guuleystay hannaanka isku xiran ee bangiyada, sidaa daraadeedna ay waajib tahay in dadka lala wadaago, iyadoo la xafidayo ayuu yiri hantida shacabka ee taallaa 13 bangi gaar ah oo xiriir wanaagsan la leh Bangiga Dhexe.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa xusay in waajibaadkooda qaran uu yahay hubinta adeegyada ay bixiyaan bangiyada gaarka ah iyo sida ay ugu dhaqmaan shuruucda lagama maarmaanka ah ee u degsan maamulada guud ahaan bangiyada.

Guddoomiyaha, mar uu ka hadlaayey soo saaridda lacago cusub oo shillin soomaali ah waxa uu qiray in ay socdaan diyaargarow ku aadan howshaasi, isla markaana waxaa uu rajeeyay in waqtiyada soosocda lagu guuleysto soo saaridda lacago cusub.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Cabdiraxmaan Cabdilaahi ayaa waxa uu rajeeyay in sanadka soo socda la helo Koboc dhaqaale oo aad u wanaagsan ,inkastoo ayuu yiri Cudurka COVID-19 uu saameyn ku yeeshay ganacsigii caalamka iyo isu socodkii dadka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: