Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Horumarinta kuwait oo soddon sanno kadib dib u bilaabaya xiriirka iyo wada shaqeynta taageerada dhaqaalaha.

HomeWararka

Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Horumarinta kuwait oo soddon sanno kadib dib u bilaabaya xiriirka iyo wada shaqeynta taageerada dhaqaalaha.

Heshiiskaan oo maanta ka dhacay dalka Kuwait ayaa dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait Ambasaddor Dr. Cabdu

Saaka & Dunida iyo Cabdirisaaq Faamoos, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Eheladda Caasho ilyaas oo Radio daljir uga waramay qaabki loo dilay gabadhooda (dhegayso|daawo)
Todobaadkan iyo halganka SSC-Khaatumo iyo xoreynta degaanada maqan

Heshiiskaan oo maanta ka dhacay dalka Kuwait ayaa dowladda Soomaaliya waxaa u saxiixay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait Ambasaddor Dr. Cabdullaahi Maxammed Odowaa iyo agaasimahha guud ee Sanduuqa horumarinta dalka Kuwait Sayid Marwaan Al-Qanem.
Heshiiskaan oo qeyb ka ah barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ayaa waxaa uu dib u bilaabaya wada shaqeynta u dhaxeysay labada dhinac kaasi oo hakad ku jiray muddo ku dhow 30 sanno oo Soomaaliya ay ku jirtay burburka iyo dowlad la’aanta.
Waxaa uu sido kale heshiiskaan gogol xaar u yahay wada shaqeyn cusub oo dhexmarta labada dhinac, waxaana hada iyo waxii ka dambeeya Soomaaliya ay codsan kartaa deymo cusub ama kaalmaha tooska ah ee sanduuqa uu ku caawiyo wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo.
Saxiixa heshiiskaan waxaa uu qayb ka yahay barnaamijka dayn cafinta ee dawladda Soomaaliya la waddo hay’addaha caalamiga ah ee daymaha bixiya sida Bangiga Aduunka (World Bank) iyo Hay’adda Lacagaha Adduunka (IMF) waxaana tani ay tahay mid muujineysa in Soomaali ay dadaal dheeri ah ku bixisay sidii kalsooni buuxa loogu qaadi lahaa hanaanka maaliyeed ee hey’adaha dhaqaalaha dalka oo muddooyinkii u dambeeyay aad usoo hagaagay.
Sanduuqa Horumarinta dalka Kuwait ayaa burburkii kahor Soomaaliya ka taageertay fulinta mshaariic badan oo muhim ah oo ay qeyb ka yihiin kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: