Dowladda Somalia oo Amartay in la joojiyay Barnaamij doodeed loo qaban lahaa Musharrixiinta Madaxweynaha

Dowladda Somalia oo Amartay in la joojiyay Barnaamij doodeed loo qaban lahaa Musharrixiinta Madaxweynaha

Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in in Hey’adda Somali Debates aysan haysan wax ruqsad iyo sharciyad ah oo ay ku qabato dooda Warbaahineed.

Qoraal kasoo baxay Wsaaaradda ayaa lagu sheegay in Wasaaradda, iyada oo gudaneysa waajibaadkeeda Shaqo dhowreysana xorriyada hadalka maadaama dalku galay xilli doorasho ay ka war heshay in hey’ ada la baxday Somali Debates ku hawlan tahay waxyaalo ku saabsan Doorashada Madaxtinimada iyo doodaha musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha oo aanay habayaraatee wax sharciyad ah u haysan tabinta iyo baahinta howlaha ay lugaha kula jiraan Warbaahineed oo ay dooda ku cabtaan waxna ku tebiyaan.

“ Wasaaradda Wartaafinta, Dhaqanka lyo Dalxiisku waxay uga digaysaa Semall Debates iyo  kuwa lamidka ah inay ka waantoobaan falalka noocaas oo kale ah sidoo kale saaxiibada Caalamka oo ay ugu horeeyaan ATMIS iyo UNSOM inaanav kala shaqeyn  howlaha Warbaahinta cid aan  fasax ka wadan Wasaarada Warfaafinta ayaa lagu yiri” Qoraalka.

Ugu dambeyn Wasaaradda Warfaafinta ayaa ku wargelisay Hay’adaha amniga iyo Booliska Gobolka Banaadir in ay ka gutaan waajibkooda shago lagana joojiyo Barnaamijyadaas ay wadaan ilaaa inta ay kahelayaan sharci ay wax ku tebin karaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com