Guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo Guddoomiye doortay

Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta yeeshay Kulankii ugu horreeyay, iyaga oo bilaabay doorashada Guddoomiyaha iyo kuxigeenkiisa.

Guddiga ayaa Senator Cabdiqani Geelle Maxamed oo laga soo doortay Puntland u doortay Xilka Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdiqani Geelle ayaa helay 10 Cod halka

Xildhibaan Maxamed Axmed beereey uu 5 cod

Senator Cabdi ismaaciil samatar ayaa isagana helay 2 Cod

Goordhow waxaa ay guda galayaan doorashada Guddoomiye kuxigeenka Guddiga oo ay u sharaxan yihiin Saddex Musharrax oo kala ah, Senator Ibraahim Owgaab Cismaan, Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed & Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimoow


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com