Ciidamada Dowladda & kuwa ATMIS oo howlgal culus ka wada duleedka Ceelbaraf

HomeWararka

Ciidamada Dowladda & kuwa ATMIS oo howlgal culus ka wada duleedka Ceelbaraf

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya & kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa waxaa ay howgal xoogan ka bilaabeen duleedka degaanka Ceelbaraf halkaas

Diwaangalinta Mushariixinta Jubbaland oo kismaayo ka bilaabatay (Daawo)
Barnaamijkii Cayaaraha ee Radio Daljir iyo Cabdiraxmaan Yemeni (Dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya & kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa waxaa ay howgal xoogan ka bilaabeen duleedka degaanka Ceelbaraf halkaas oo dhawaan weerar qorsheysan ay kula wareegeen Al-Shabaab Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada ATMIS.

Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka cul culus ayaa ku sugan inta u dhaxeeysa degaannada Ceelbaraf iyo miirtuugo ee Gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana la sheegay inay sameeynayaan howlgallo isugu jira baaritaano iyo Miino baaris.

Dad ku sugan degaanka Ceelbaraf ayaa Risaala u sheegay inay soo wajahday cabsi la xiriirta inay dushooda ku dagaalamaan Ciidamada dowladda & kuwa ATMIS iyo Al-Shabaab maadaama weli qeybo kamid ah degaanka ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa Talaadadii todobaadkaan waxaa ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen Xerada Ciidamada ATMIS ee degaanka Ceelbaraf, waxaana weerarkaas lagu dilay Ciidamo farabadan oo kamid ah Ciidamada Burundi ee howlgalka ATMIS.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: