Mareykanka oo xiray Haweeneey lagu helay inay la Shaqeyneysay Al-Shabaab

Mareykanka oo xiray Haweeneey lagu helay inay la Shaqeyneysay Al-Shabaab

Dacwad oogaha dowladda Federaalka Mareykanka ayaa sheegay in haweeney u dhalatay dalka Holland lagu helay dambi ah in ay lacag u aruurineysay Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Xeer Ilaaliyaha Mareykanka Jessica Aber oo ku sugan gobolka Virginia ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Farhia Hassan oo 38 jir ah lagu helay in ay maleegtay in ay taageero agab ah siisay urur argagixiso oo ajnabi ah

Sida ku cad cadeymaha maxkamada ,  Farxiyo ayaa waxaa ay kamid aheyd  koox haween ah oo ka kala yimid in ka badan 12 wadan oo waday  isku dubariday lacag u aruurinta Al-Shabaab.

Qareenada u doodaya ayaa sheegay in lacagtaasi oo dhan dhowr kun oo dollar, ujeedkooduna uu ahaa in lagu daryeelo askarta Al-Shabaab ee dhaawaca ah, kuwaas oo aan lagu qaadi karin dambi sida waafaqsan heshiisyada caalamiga ah.

22-ka Bisha Jully ayaa la filayaa in Haweeneyda lagu helay inay lacag u aruurineysay Al-Shabaab Maxkamad la soo taago, waxaana ay wajihi kartaa 15 Sano oo Xabsi ah.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya ka taageera dagaalka lagula jiro Ururka Al-Shabaab, waxaana uu tababar siiyaa Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB oo mararka qaar fuliya howlgallo gaar ah oo ka dhan ah Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com